Sawiro:Guddoomiyihii gobolka nugaal oo aas Qaran loo sameeyay

Punt

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay, Aas Qaran oo loo sameeyay guddoomiyihii gobolka Nugaal Allaha u naxariisto Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir).

Ka qeybgalka Aaska Qaran waxaa Madaxweynaha ku weheliyey guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawil, guddoomiye Ku-Xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Soomaaliya oo uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynihii hore ee Puntland Abdiweli Maxamed Cali Gaas, Xubnaha goleyaasha dowlad goboleedka  Puntland, maamulka Degmada, Saraakiisha laamaha amniga, hogaanka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Madaxweynaha dowlad goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Aaska kula kulmay Xubno ka mid ah Qoyskii Allaha u naxariisto guddoomiye Cabdisalaan Gujir, Kuwaasi oo uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay.

.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.