Duqayn Cirka ah oo lagu dilay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

diyarad

Laba xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn xagga Cirka ah oo ka dhacday degaanka Buulo Fullaay ee Gobolka Baay.

Duqeyntan oo ay iska kaashanayeen Ciidanka xoogga Dalka iyo howl-galka Maraykanka Africa ee (Africom) ayaa u dhacday sidii loogu tala galay, mana jirto Qof Shacab ah oo ay waxyeello kasoo gaadhay. sida lagu sheegay warbixin ay weerarkan kasoo saareen Dowladda Soomaaliya iyo Africom.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Sanadkan oo keliya Al-Shabaab laga dilay 29 horjooge, ka dib duqeymo ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo howl-galka Africom.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.