Qof labaad oo qaba Corona Virus ayaa lag helay Soomaaliya

Wasiir

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inuu jiro Kiiska qof labaad oo qaba cudurka Corona Virus Magaalada Muqdisho ,kaasi oo ka yimid dalka Talyaaniga maalmana la hayay.

Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya oo la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijisay in dalka laga heley kkiiskii labaad ee qof qaba xanuunka Corona Virus,kaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey dhibaatooyin ku hayay bulshada caalamka.

Waxay sheegtay in qofka laga heley xanuunka COVID-19  uu dhowaan dalka yimid isla markaana kamid ahaa dadka laga shakiyay ka dibna la baaray sidaasna lagu xaqiijiyay.

Wasiirka  Caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in qofka laga heley cudurka COVID-19 hadda xaaladiisa degan tahay,isla markaana aysan ka muuqan wax calaamad ah oo tilmaamaya cudurka.

“Kiiskaan waa kiiskii labaad ee la helo, baaritaan aan isbuucii hore dirnay ayuu jawaab u ahaa, waxaan la wadaagnay bulshada, kiiskaasi waa positive, ma ahan mid calamaduhu ay ka muuqdaan, ilaahayna waxaan uga baryaynaa in uusan cudurka ku soo bixin oo aanu faafin, wuxuu kamid yahay dadka karantiilka kujira, wuu fiicanyahay qofka, laakiinse waxaan rabnaa illaa baaritaanka lagu hayo in meel gooni ah lagu haayo illaa laga xaqiijiyo in cudurkan uu ka caafimaaday”. ayay tiri wasiir Fowsiyo Abiikar Nuur.

Wasiiradda ayaa ku boorrisay bulshada Soomaaliyeed in ay ka feejignaadaan fiditaanka cudurkan halista ah, waxaanay ku baaqday in wacyigelinta bulshada la sii xoojiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.