QoorQoor Ma xal buu biday Mucaaradka Mise waa Xeelad???

qoorqoor

Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamul goboleedka Galmudug ka socda shirar lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka ka taagan doorashada madaxtinimada maamul goboleedka Galmudug kaas oo lagu doortay Madaxwaynaha Doornaa ee La doortay Qoor qoor.

Madaxwaynaha Cusub ee galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa waxuu kulamo kala duwan la yeeshay qaar kamida siyaasyiinta ka Tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo laga soo doorto Galmudug kuwaas oo ay kamid yihiin Xildhibaanada Kala ah Mahad Salaad, Fiqi, iyo kuwa kale.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada kala duwan oo marar badan kulamo la yeeshay Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxaa hadalkooda u badnaayeen gorgortan ay la galaan Madaxda Galmudug iyagoo Sheegaya inay Taageerayaan Maamulka Galmudug balse badalkeeda ay rabaan inay kamid Noqdaan Xildhibaanada Cusub dowlada Federaalka Soomaaliya ee Doorashada Dhacaysa 2021.

Madaxda Maamulka Galmudug ayaa waxaa looga fadhiyaa waxqabad Madaama Maamulka Galmudug yahay Maamulka ugu faqrisan maamul goboleedyada wax Horumarna uusan ka jirin waxaana taas u sii dheer Dagaal Beeleedyo soo Noq Noqda.

isku soo wada Duuboo Madaxwaynaha Galmudug waxa looga Fadhiyaa waxqabad dhab ah oo ay ku qancaan Bulshada Galmudug, waana inuusan qaadin jidkii Madaxwaynayaashii ka horeeyey kuwaas ku fashilmay hogaanka Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.