Daawo:30 Sano Kadib xiriirka Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo soo laabtay

Bayle

Guddiga sare bangiga Aduunka ayaa qaaday talaabo ay ku soo celinayaan xiriirkii Bangigu lalahaa Soomaaliya sodon sano kadib, Tani waxay albaabka u furaysa fursadaha Soomaaliya ay u heli karto maalgalinta bangiga aduunka  iyo Hey’adda Horumarinta caalamiga ah (IDA ), iyo la shaqeynta si dhow qeybaha kooxaha bangiga aduunka oo soo jeedinaysa maalgashadayaasha  dibada taasi oo taageeri doonto deganaanshaha iyo horumarka dalka.

Go’aanka maanta waxa uu si buuxda u so celinayaa howlgalka, Bangiga Aduunka wuxuu iminka Soomaaliya siin karaa taageerada ugu xooggan uguna macquulsan si ay u gaarto horumar dhaqaale iyo bulsho ayuu yiri Madaxa Howlgalka Bangiga Aduunka  Axel van Trotsenburg

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.