Soomaliya iyo Cumaan oo kawada Hadlay sidii ay u Yeelan lahaayeen Iskaashi Ganacsi

wasiir

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo weftigii uu hoggaaminayey ee socdaalka shaqo ku joogay wadanka Cummaan oo shirar gaar-gaar ah iyo booqashooyin ku saabsan iskaashi Ganacsi oo dhex-mara labada dal ka sameynaayey Saldanada Cummaan, ayaa isaga iyo weftigiisa oo uu wehelinaayey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Saldanada Cummaan Danjire Cabdiweli Cali Axmed(Jaylaani), waxa ay booqasho ku tageen Warshadda soo-saarta Saliidda iyo Warshadda soo-saarta sidoo kale na farsamaysa fiilooyinka xambaara Internet-ka xawaraaraha sare leh ee wadankaasi.

Wasiirka, ayaa madaxda Warshadahan kala hadlay siddii ay u maal-gashan lahaayeen Soomaaliya, waxaana uu ku dhiiri-geliyey inay faracyo warshadahan oo kale ah ay ka furtaan gudaha wadanka Soomaaliya.

Dhanka kale, Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa uu la kulmay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka ee Saldanada Cummaan Md. Axmed Bin Maxamed Al-Futaisi ahna guddoomiyaha shirkadda ASYAD oo ah shirkad maamusha dekadaha iyo weli ba goobaha Ganacsiga ee xorta ah. Waxa kale oo shirkaddani ay ka shaqeysaa daabulka iyo gaadiidka wadankaasi.

Labada Wasiir, waxay ka wada-hadleen siddii ay iskaga kaashan lahaayeen Ganacsiga Gaadiidka isla markaana loo heli lahaa duulimaad toos ah oo Oman iyo Soomaaliya ah. Waxa kale oo ay isla soo hadal-qaadeen siddii loogga faa’ideysan lahaa marin biyoodka isku xidha badweynta Hindiya iyo Badda cas oo uu maro Ganacsiga ugu badan ee iskaga goosha qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Yurub.

Wasiiradu, waxa kale oo ay ka wada-hadleen fursadaha Maal-gashi ee ka jira Soomaaliya gaar ahaan dekadaha iyo garoomada diyaaradaha Soomaaliya, waxaana ay isla garteen in labada dhinac ay is-dhaafsadaan aqoonta iyo khibradaha la xidhiidha Ganacsiga Gaadiidka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa kale oo uu la kulmay Wakiilka Wasaaradda Beeraha iyo Kalluumaysiga ee dalka Cummaan Dr. Sucuud Bin Xamuud Bin Axmed Al-Xabsi oo ay ka wada-hadleen siddii dalaga Beeraha iyo Kalluunka Soomaaliya looggu iib-geyn lahaa dalka Cummaan iyo inay iska kaashadaan sare-u-qaadidda tayada Kalluunka iyo Dalaga Beeraha.

Ugu dambeyntii, ujeedada safarka Wasiirka ee dalka Cummaan, ayaa ahayd siddii loo ballaadhin lahaa suuqyada loo iib-geyn karo badeecadaha Soomaaliya loona heli lahaa suuqyo cusub oo loo iib-geyn  karo badeecadaha wadankeena.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.