Axmed Madoobe oo Qoryo Badan wata ayaa Booqday Duleedka Kismaayo

madoobe

Axmed madoobe ayaa maanta booqday Ciidamada Dowlada iyo Darawiishata Jubbaland ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab gaar ahaan aaga Degmada jamaame.

Axmed Madoobe a ayaa halkaas u tagay si uu u dhiiri galiyo Ciidamada geesiyaasha ah ee kaabiga ku haya Degmada Jamaame iyo deegaanada kale ee gobolka Jubbada Hoose ay Argagixisadu kaga harsan yihiin.

Waxaa Axmed Madoobe uu halkaas kula kulmay Sarakiisha hogaaminaysa howlgaladan iyo masuuliyiin kale isagoo ku booriyay inay sii laba jibaaran howlgalka socda si kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab looga dulqaado dhibaatada ay dadka shacabka ah ku hayaan.

Ciidamada kala duwan ee howlgalkan iska kaashanaya oo kala ah Ciidamada darawiishta Jubbaland Ciidamada Xooga Dalka iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab Jubbaland ayuu Axmed madoobe sheegay in ay cashar u dhigeen Argagixisada maalmaha soo socdan ay gaari doonan guulo cusub iyagoo is raacin doona haraaga Kooxda dhiiga umada banaysatay ee Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.