Dhageyso:Guddoomiyaha degmada Marko oo ka hadlay Jabkii shabaab Xalay loo gaystay Marka

marka

Guddoomiyaha degmada Marko ee Xarunta Gobolka Sh/hoose Cabdullaahi Cali Axmed Waafow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyey  Weerar Gaadmo ah oo ay isku dayeen Kooxda Aragagixisada Alshabaab in ay la beegsadaan Ciidanka Xooga dalka ee Ku sugan Magaalada Marka.

Gudoomiyaha ayaa  sheegay in Ciidamada xilliga la soo weerarayay ay ku jireen feejignaan, lagana war hayey weerarka ay soo qaadeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab, Taas oo sahashay in dhibaato xoogan loo geystay Maleeshiyaadkii Weerarka Soo qaaday.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ciidanka Xooga Dalka ay ku daba jiraan Baxsadka Maleeshiyaadkii Weerarka Soo qaaday isla markaana ay  howlgallo iyo dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo xoogan ka wadaan Duleedka Magaalada Marka.

Amniga Magaalada Marka ayaa Mudooyinkanba ahaa mid aad u xasilan , Ciidanka Xooga Dalka ee Ku sugan Magaalada Marka ayaan Xil adag iska saaray sidii ay Shacabka Ku dhaqan Magaalada Marka ugu noolaan lahaayeen nabad iyo xasilooni.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.