12 Shabaab ah oo la dilay kadib howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Xooga Dalka

dagaal

Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa faah afahin ka bixiyey howlgaladii ay dhawanahan  Ciidamada Dowladda soomaaliya ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab Xasan Aadan Maxamed (Ciraaqi) ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka sida u sheegay inay howlgalka kaga dileen 12 ka tirsan Al-Shabaab 15 kalana kaga dhaawaceen.

Sidoo kale Taliyaha wuxuu sheegay in Ciidamada ay la wareegeen deegaannada Malaayleey, Janaale gaay, Reerneeroow, Bandar Jadiid iyo sidoo kale degaanka Bengaani, oo qiyaastii 37 km ujirta Magaalada Kamsuuma.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in howlgalka inta uu socday ay soo saareen  9 Miino , isla markaana ay sii wadi doonaan howlgalka inta ay Al-Shabaab kaga saarayaan degaanada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.