Muuqaal:Golaha Aqalka sare oo ka tacsiyadeeyay qaraxii Ex-koontarool Afgooye

aqalka sare

Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo ku hadlaya Golaha ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisada ay la beegsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa Ex. Kontorol Afgooye.

Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in gebi ahaanba la baajiyay kalfadhigii maanta ay Goluhu isugu yimaadeen, ayna xanuunka la qaybsanayaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibta ka soo gaartay xasuuqii argagixisada Al-Shabaab ay ka  geysteen isgoyska Ex-koontarool Afgooye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.