Ciyaartooyda Soomaaliya oo ka badiyay ku wii dalka Burundi

Xulkeena Qaranka Soomaaliya ayaa 1-0 kaga adkaaday dhigooda dalka Burundi kulan ka tirsan tartanka Cecafa Senior Challange Cup.

Cayaarta oo ahayd mid weerar iyo weerar celis ayaa cayaartoyda Xulka Qaranka waxa ay soo bandhigeen cayaar aad loo jecleystay, taasi oo ay aad ugu riyaaqeen dhamaan taageerayaasha Soomaaliyeed ee kala yimid qaar ka mid ah Dalalka Qaaradda Afrika iyo Ameerika.

Qeybtii hore cayaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaamineysay Soomaaliya, Cayaartooyda ayaa sidoo kale qeybtii labaad ee cayaarta markii la isku soo noqday waxa ay soo bandhigeen dar dar xoogan, waxaana ugu dambeyn ay cayaarta ku soo idlaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Xulka Qaranka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.