Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Soo Dhoweeyay Heshiiska Laga Gaaray Arrimaha Galmudug

khayre

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo dhoweeyay heshiiska dhex maray dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca (AWSJ).

Heshiiska oo ku yimid wada hadal dheer oo dhexmaray Dowladda Fedaraalka iyo ASWJ oo ay gacan ka gaysteen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada waxa uu saldhig u yahay Galmudug midaysan oo loo wada dhan yahay.

Ra’iisul Wasaaraha waxa ugu baaqay dhamaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug in ay kawada shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa maamul u adeega shacabka reer Galmudug. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhammaan bulshada reer Galmudug in ay muujiyaan dulqaad iyo isu tanaasul gacannna ka gaystaan hirgelinta heshiiskan.

Waxa uu uga mahad celiyay ASWJ dadaalka ay muujiyeen si loo gaaro heshiiskan.

Ugu dambayntii waxa uu u mahad celiyay cidwalba oo Soomaaliyeed oo gacan ka gaysatay heshiiskan iyo xubnaha beesha caalamka oo marwalba garab taagan shacabka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.