Duqeyn lagu dilay koox ka tirsan argagixisada Al-Shabaab

diyarad

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamiga ah ee Mareykanka ayaa duqeyn ay ka fuliyeen meel u dhaw Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay horjooge sare oo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Howlgalkaan qorsheysan ee laga fuliyay agagaarka Saakow ayaa ahaa mid lala eegtay horjooge argagixisada Al-Shabaab ka tirsan oo aan magaciisa la shaacinin, mana jirin shacab wax ku noqday howlgalka inta uu socday.

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa caalami ah ayaa si wada jir ah u fuliyay howlgalkan, taasi oo keeneysa in la wiiqo awoodda argagixisada, isla markaana la yareeyo falalka guracan ee ay kooxda kula kaceyso shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka inay markasta ka taxadaraan goobaha shacabka ku badanyihiin inta ay socdaan howlgallada qorsheysan ee cir iyo dhulba ah, kuwaasi oo ay ciidamada ka soo hooyaan guulo wax ku ool ah, iyadoo aan shacabka wax ka gaarsiinin.

War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa lagu xusay in la joogteyn doono bartilmaameedsiga horjoogayaasha argagixisada Al-Shabaab, si guud ahaan Soomaaliya loogu soo dabaalo amniga iyo xasilooni waarta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.