Daawo: Baardheere Ciidanka xoogga dalka oo kooxda Shabaab kala wareegay deegaanka Daar Macallin ee gobolka Gedo

Howlgallo socday muddo Seddax maalin ah oo Ciidamada Xoogga dalka ay ku baacsanayeen firxadka haraadiga argagaxisada Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya duleedka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa lasoo gabagabeeyay.

Abaanduulaha Guutada 10-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle dhexe, Cismaan Sheekh Cabdi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ku dhawaad 14 iskugu jiro horjoogeyaal iyo maleeshiyo ka tirsanaa Al-shabaab ay ku dileen howlgalada gaadiid dagaalne ay uga gubeen,isagoo xusay in saanad militari ay ka furteen.

Gaashaanle dhexe Cismaan Sheekh Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in howlgaladaan ay bilaabeen kadib markii ay ka war heleen in tiro yar oo ka tirsan argagaxisada ay baad ka qaadanayeen dadka Shacabka ah ee ku sugan tuulooyinka hoos yimaada Baardheere,waxa uuna tilmaamay in ay kasoo furteen xoolo ay ka dhaceen dadka deegaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.