Xildhibaan Beeniyey inay Ciidamo Itoobiyaan ah yimadeen Dhuusamareeb

Xildhibaan Cabdixakiim Macalin oo ka tirsan Barlaamanka Soomaliya ayaa waxuu sheegay qoraal uu kusoo qoray bartiisa Facebooga inaan Ciidamo Itoobiyaana oo yimid Dhuusamreeb aysan Jirin.

Qoraalkii Xildhibaan Cabdixakiim ayaa sidaa u qornaa.

Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug la wadaago inaaney waxba ka jirin wararka lagu sheegay in Dhuusamareeb la geeyay Ciidama Itoobiyaan ah oo aan AMISOM ka tirsaneyn!

Waxaa jira ciidamada Djibouti iyo kuwa Ethopia oo Dhuusamareeb ku sugnaa muddo aan ka yareyn sadax bilood, hayeeshee ciidamadaasi waxay ka wada tirsanyihiin AMISOM. Waana ay dhacdaa in ciidamadu ay sameeyaan dhaqdhaqaaq xagga kalabadalka ciidanka ama logisticada ah

Waxaase nasiib darro ah in Madasha xisbiyada Qaran oo markii hore loo aasaasay in wax lagu saxo uu hadalkaan aan la hubsan ka soo baxo – Dhuusamareeb innaga ayaa ku sugan oo xog-ogaal u ah waxa ka jira.

Mucaaradnimadu waa inaaney ka hor imaan danaha dadka aan matalno, waana in aan lahaanno aragti ka turjumeysa danaha gaarka ah ee siyaasiyiinta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.