Daawo:Odayaasha Dhaqanka iyo Madaxwaynaha Koofurgalbeed ayaa isku raacay kordhinta Xildhibanada

Odoyaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed oo maalmahan shir uga socday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa isku raacay in Baarlamaanka Koonfur Galbeed laga dhigyo 95 Xildhibaan sida uu qabo dastuurka Maamulkaasi.

Malaaq Deerow Yacquub Cali oo ku hadlayay magaca Odoyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in sida uu qabo dastuurka Koonfur Galbeed cutubkiisa 3aad qodobkiisa 37aad farqadiisa 2aad laga dhigo Baarlamaanka maamulkaas 95 mudane, isla markaana ay si wada jir ah isugu raaceen arrintaasi.

“Labada qodob waxa ay ahayd in laga dhigo 149 Xildhiban haloo dhaafo halka kuwa kalena ay ku doodayaan in la raaco dastuurka oo ku qoran 95, marka odoyaasha dhaqanka waxa ay go’aansadeen in Baarlamaanka Koonfur Galbeed uu noqdo 95 mudane, dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa in marka uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed soo jeediyay arrintan, odoyashuna waa ay isku raaceen” ayuu yiri Malaaq Deerow.

Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Maxamed Xasan (Lafta gareen uu sheegay in Baarlamaanka Koonfur Galbeed laga dhigi doono 95 Xildhibaan sida ku cad dastuurka Koonfur Galbeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.