Dhagayso:Maamulka Muuse Biixi oo ka Jawaabay Eedayntii Dr Gaboose

Siyaasiga Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo hore dhowr xil uga soo qabtay xukuumadihii hore ee Somaliland ayaa walaac ka muujiyey xaaladda siyaasadeed ee Somaliland haatan ka jirta iyo kala qaybsananta ku timid bulshada Soomaliland.

Dr Maxamed Cabdi Gabboose ayaa eedaymo culus culus u jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo uu sheegay inay ku dhisan tahay Hab Kooxaysi ah oo ku kooban laba Beelood keliya.

Dr. Gaboose ayaa ugu baaqay madaxda sare ee xukuumadda inay ka hawl galaan sidii loo dhameyn lahaa kala qayb-sanaanta bulshada ee ka dhalatay doorashadii madaxtinimo ee Somaliland ka dhacday sanadkii 2017-kii.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa eedeymaha Dr Maxamed Cabdi Gaboose ka jawaabay isagoo sheegay inaysan waxba kajirin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.