Daawo:Wadooyinkii Puntland Burburay iyo Gadiidka oo habeenkii Laga joojiyey inay safraan.

deni

Wadooyinka Halbowlaha u ahaa isu socodka Gadiidka u kala goosha Magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland iyo Gobolada dalka ayaa waxaa soo gaaray burbur baahsan.

Wasiirka Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland Axmed Bashiir Muuse oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa soo saaray awaamiir ku aadan isticmaalka wadooyinka ay horay roobabku wax yeelada ugu gaysteen iyo kuwa kale ee Burbursan waxuuna Gadiidka u kala goosha Puntland ku amray inaysan Safrin Habeenkii Madaama Qatar wayn ka jirto wadooyinka.

Wadooyinka isku xira Puntland iyo gobolada dalka ayaa waxaa ku nafwaaya dad badan waxaana qasaaro hantiyeed kasoo gaartaa Ganacsatada Soomaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.