Xaalada Magaalada beledwayne oo aad uga soo Raynaysa

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan inay hoos udhac wayn ku yimaadeen fatahaadii wabiga oo meelaha qaarkood ay biyihii ka dhamaadeen.

Qaar kamida Bulshada Beledwayne oo warbaahinta Gedotimes la xariirtay ayaa waxay sheegen xaafadaha qaarkood inay biyuhu ku dambeeyaan walow aysan ahayn sidii hore iyo si udhaw.

Waxaa isu furmay isu socodka bulshada Baladwayne waxaana arkaysaa Goobihii ganacsiga oo la furay iyo dad Qudaar wadooyinka la fadhiya, waxaana jira baahiyo badan oo ay ubaahan yihiin Bulshada Beledwayne sida Daawooyin, Hoy iyo raashin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.