Puntland Dhinacee u socotaa???

Wixii dhacay 26kii Oktoobar furitaankii kalfadhiga baarlamaanaka Puntilaandhi waa dhacdo lama iloobaan ah waxay ahayd wax qof kasta oo Soomaali ah ka xanuunsaday aadna ula yaabay, si gaar ah waxay u taabatay shacbiga Puntland oo maamulkooda iyo madaxweynahooda aad ugu hanweynaa waa maamulkii ugu horeeyey maamulada hoos taga Dowlada federaalka lana magacbaxay hooyadii Federaalka laakiin felcelintii madaxweynaha Su’aalihii xildhibaan Cawil weydiiyey waxaan ka dheehan karnay murtida dhahaysa (LA MOOD NOQONSE WEYDAY) ,qof u qalma masuuliyada puntilaandhida gaamurtay uma muuqan Deni.

Soomalidu arinkaas waxay uga falcelisay baraha bulshada gaar ahaan reer Puntland aniga laftigaygu waxaan qoray qormadii aan cinwaanka uga dhigay (PUNTILAANDHI OO CAGTA SAARTAY WADADII JUBALAAND) meel kale arinta lama aadin ee markiiba waxaa ii soo baxday in Mr,Deni uu casharo ka soo qaatay Axmed Madoobe sababahaan awgood;-

1-Caradii iyo hadalkii butaacada ahaa oo Deni ku denbeysiiyey Hanjabaada baarlamaanka,

2-Shirkii deg deg ahaa ee ka dhacay xarunta wasaarada Maaliyada ee lagu go’aamiyey in la xiro Xildhibaan Cawil loona yeertay xeerilaalinta .

3-Hanjabaadii niman odaya sheeganaayey xildhibaanada dilka ugu hanjabeen.
Intaas markii aan isku geyey ayaa waxaa ii soo baxday casharadii  Kismaanyo oo dil, xarig iyo masaafurin in loo soo minguuriyey Garoowe.

Isku soo wada duub dacwada xeerilaalinta puntilaandhi ku soo oogtay Xildhibaan Cawil waa la filaayey oo la yaab malaha laakiin waxaa laga dhursugayaa sida baarlamaanka puntilaandhi uga jawaabo, waa halis ku bilaabatay dhammaan xubnaha xildhibaanada iyo masiirka Puntilaandhi aan murtidaan ku soo dhameeyo qoraalkayaga (NINKII KHAYRKI LOO XIIRAYOOW SOO QOYSO ADIGUNA), wixii maanta Xildhibaan Cawil La kulmo xildhibaanada Puntilaandhi iyo masiirka denbe ee puntilaandhi baa ku gowracan.

Wabilaahi Towfiiq.

Waxaa Qoray Guuleed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.