Akhriso:Madaxwayne Waare oo Magcaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Webiga Shabeelle

Madaxweynaha  Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Wabiga Shabelle, guddigaasi oo ka kooban xubnaha Golaha wasiirada Hirshabelle.

Guddigaan ayaa waxaa  guddoomiye u ah Wasiirka Gargaarka ee maamulka Hirshabeelle, waxaana Xubno ka ah ilaa iyo 13-wasiir oo kale.

Xubnaha Guddiga ayaa la filayaa inay si deg deg ah u gaaraan Goobaha ay Fatahaadaha ka jiraan si gurmad deg deg ah loogu fidiyo dadka Guryahooda daadadka ay ka barakiciyeen.

Shalay ayay ahayd markii sidoo kale R/wasaaraha Soomaaliya uu magacaabay Gudi ka kooban ilaa iyo 9 wasiir kuwaasi oo R/wasaaruhu kula dar daarmay inay Gurmad deg deg ah la gaaraan dadka liita

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.