Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga iyo Taliyeha Ciidanka Lugta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Maxamed Cali Bariise ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxa uuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise iyo Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista tayada, tababarka iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.