Madaxweynaha Puntland oo qaatay go`aan xasaasi ah, diidayna in dib loo dhigo..

deni

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa balan-qaaday dibu dhiska ciidamada iyo Dibu habeyntooda, taas oo ahayd caqabadaha waa weyn ee haystay dawladnimada Puntland, waxaana uu amar ku bixiyey in la dhameystiro dhammaan geedi socodka dibu dhiska ciidanka, oo wax kasta isaga laga hormariyo.
Caqabado waa weyn ayaa ku hor-gudban dibu dhiska ciidamada Puntland, waxaana caqabadahaas kamid ah Taliyayaasha oo marar badan si rasmi ah u diida dibu dhiskaas, iyagoo cabsi ka qaba in ay ku fashilmaan liisaska mushaar-bixinta ugu qoran oo aan rasmi aheyn.
Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u diiday soo jeedin kasta oo ku saabsanayd howlaha ciidamada, wuxuuna guddigu Khuburo ah u saaray sidii ay meelmar uga dhigi lahaayeen siyaasadiisa kuwajahan in Puntland ay hesho ciidamada ay istaahisho.
Waxaa la ogaaday in bilihii u dambeeyey Askari kasta oo kusugan deegaanada Puntand uu helay xaquuqdiisa mushaariga ah iyo garaamkiisa cuntada iyo caafimaadka, balse ay jiraan ciidamo laga waayay xeryihii la tagay.
Taaaboyinkan maqnaanshaha ayaa ka dhigan in ay Taliyayaasha ciidamadu marar badan xanibaan, waxaase arrintaas si toos ah u diiday Madaxweynaha Puntland oo sheegay in aan tiro-koobka ciidanka, dibu hagaajintooda iyo in la helo ciidamo u qalma mandiqada Puntland ay soo baxaan.
Shalay galab, ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta oo kusugnaa buuraleyda gobalka Barri ayaa la sheegay in ay gadood awgiis uga soo baxeen saldhigyadooda, waxaana hadda kusocda baaris ku wajahan talaabooyinka soo bixitaankooda.         GEDOTIMES Abdirahman alfa mohamud

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.