Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo Maxkamad Gobolka Banaadir la horgeeyay

Eedeysane Cabdirashiid Xasan CabdiNuur (Janan ) oo ahaa wasiirkii amniga Jubbaland iyo Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray Doolow iyo BeledXaawo oo loo wada heysto taciyaddo ka dhacay Gobalka Gedo ayaa maanta la hor geeyay Maxkamadda Gobalka Banaadir.

Cabdirashiid Xasan CabdiNuur (Janan ) ayaa Bishii hore Ciidanka Booliska Soomaaliyeed soo qabteen isaga oo socdaal ku marayey magaalada Muqdisho kuna sii jeeday dalka Itoobiya.

Booliska dalka ayaa sheegay in eedaha loo haysto Wasiirkii Amniga Jubbaland soo dhameystireyso Waaxda dambi baarista ee C.I.D-da

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.