Sawiro:Wasiirka Gaashaandhiga ayaa kulan laqaatay taliyasha iyo sarakiil kale

wasiir

kulankan oo uu Shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga DFS Xil.Xasan Cali Maxamed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Generaal Odawaa Yusuf Raage iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jihaan Xasan.

kulankan ayay Masuuliyiintan la qaateen Matalayaasha Ciidamada DFS ee Caalamka Waxaana laga Dhageestay Xog ku aadan dalalka ay somaliya ku matalaan iyo Xaaladda ay ku suganyihiin.

Wasiirka Gaashaandhiga oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Matalayaasha Ciidamada DFS ee Caalamka ay wax badan kusoo kordhin karaan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya , iyagoo suurtagelin karo tababarida Ciidamada Xooga Dalka isla markaana kala hadli karaan Tayeynta Ciidamada Dowladaha ay ku Matalaan Ciidamada DFS.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga DFS ayaa Xusay in DFS ay ka Go’antahay soo celinta maqaamkii Soomaaliya ay ku leheyd Caalamka .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.