Madaxwayne Farmaajo oo maanta gaaraya Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad Goboleedka Galmudug.

Qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka socta magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Ciidamada ammaanku ay xaqiijinayaan amniga Caasimada Galmudug oo ay ku suganyihiin mas’uuliyiin heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu soo xiro shirka dib u heshiisiinta beelaha dega maamulka Galmudug oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii loo heli lahaa dib u heshiisiin dhab ah si bulshada Soomaaliyeed ay u hesho nabad ay kula naalooto adduunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.