Daawo:Soomaaliya oo gudbisay Xeerka ilaalinta Xaquuqda Caruurta

wasiir

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Marwo Deeqa Yaasiin ayaa ku dhawaaqday soo saarista Warbixinta Billowga ah ee Soomaaliya ee ku aadan fulinta axdigii caalamiga ah ee Xuquuqda Carruurta (CRC).

Warbixintani waxaa la soo saaray kaddib markii Soomaaliya ay noqotay waddankii 196aad ee saxiixa axdigaan sannadkii 2015ka.

Dhacdadan waxay muujineysaa tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya qaaday si ay u gudato waajibaadka ka saaran soo gudbinta warbixinno ku aadan heshiisyo iyo axdiyo kala duwan oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay, kaddib markii ay soo wajahday dib-u-dhac 35 sano ah oo aan warbixin laga gudbin heshiisyada caalamiga ah, tani waa marxalad kale oo muhiim ah, waana tallaabo wax ku ool ah oo Soomaaliya dib loogu soo celinaayo nidaamka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Sii deynta warbixintan billowga ah iyadoo la waafajinayo heshiiska caalamiga ah ee CRC waxay muujineysaa sida ay dowladda federaalka uga go’an tahay inay si buuxda uga qeybqaadato kor u qaadista iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dalka gudahiisa iyo dibaddaba. Fulinta balanqaadkani waa mid si cad u muuqda ayadoo la qaaday talaabooyin dhinaca siyaasadda dowladda ah, soo gudbinta sharuuc iyo qaadashada go’aanno maamul.

Warbixinta ayaa ka kooban xog laga soo aruuriyay wadatashiyo lala yeeshay jilayaasha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn ee Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyo gobolka Banaadir. La tashi gaar ah ayaa lala sameeyay carruurta.

Warbixinta ayaa sharraxaysa tallaabooyin faahfaahsan oo ay dawladdu qaaday si dalka looga hirgeliyo heshiiskan. Natiijooyinka ka soo baxay warbixintan ayaa ku kaliftay Wasaaradda inay billawdo qoritaanka (Qabyo Qoraal) Sharciga Xuquuqda Carruurta ee 2017ka, kaasoo yagleelaya qaab dhismeed sharci oo si adag u difaacaya carruurta Soomaaliyeed.

Iyada oo Soomaaliya ay dib ugu soo laabaneyso nidaamka gobolka iyo kan caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa dowladaha qeybta ka ah heshiiska CRC in ay taageeraan abuurista jawi suurtagelinaya ilaalinta iyo kor u qaadista xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.