Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo lasoo gaba gabaynayo

Gudoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug C/raxmnaan Macallim C/llaahi (Baaddiyoow), ayaa sheegay in uu gabogabo yahay shirkii ay isugu yimaadeen Beelaha Walaalaha ah ee halkaasi wada dega.

Dr; C/raxmaan Baadiyow, ayaa sheegay in Galmudug ay ka gudubtay marxaladdii Koowaad ee dib u heshiisiinta Beelaha isla markaana ay gabogabo tahay howshii loo idmaday Guddiga dib u heshiisiinta.

Guddoomiyaha ayaa baaq usoo jeediyay Guddiyadda ka danbeeyo ee qeybta ka noqon doono dib u dhiska maamul Goboleedka Galmudug, isagoo sheegay in ay muhiim tahay in la saxo dhaqanka isla markaana aasaas sax ah loo dhigo maamulka Galmudug.

“Si sax ah in wax loo dhiso ayaan rabnaa sidaas ayaa ku dardaarmaynaa iyadoo wixii qilaafaad ahna ee Beeluhu ay dareen ka qabaanna waa la xallinayaa hadduu Alle yiraahdo, qeybta labaad ee shirka ayaana lagu xallin doonaa” ayuu yiri Guddoomiye Baaddiyoow.

Shirka dib u heshiisiinta Beelada Galmudug ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo Berrito sida uu Jadwalku yahay, waxaana xigi doona weji kale oo lagu turxaan bixin doona waxyaabaha ka haray wada hadallada socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.