Daawo:Saadiq Dhagaqool oo Shaaciyey inuu yahay Murashaxa Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug 2019

Kadib Markay iga soo gaartay Codsi dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Galmudug oo ay ugu horeeyaan Waxgaradka, Siyaasiinta, Aqoonyahanka Haweenka, Dhalinyarada soo jeedin ku aadan Murashaxnimada Madaxweyne ku xigeenka ee Galmudug ayagoo igu tuhmaya Aqoon, Karti hufnaan iyo Hogaan xog ogaal ah. Kadib Markaan arkay Baahida loo qabo Hogaan Hufan oo ugu adeega si siman Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Galmudug Wadashaqayn dhowna la leh Dowlada Dhexe.

Waxaan goostay Maanta oo Tariikhdu tahay 07 September 2019 in aan u tartamo Xilka Madaxweyne Ku xigeenka ee Galmudug 2019 anigoo ku kalsoon in aan keeni karo is badalka baaxada leh ee looga baahan yahay Galmudug anigoo Kaashanaya awood Alle iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Galmudug. Waxaan Balanqaadaynaa Ilaah idankiis Galmudug oo Mid ah laguna Hogaamiyo Nabad, Midnimo iyo Nolol. Tiirarka Hiigsigayga Murashaxnimo waa Kobcinta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Daryeelka Dhalinyarada iyo Haweenka, Tayeeynta Hay’daha Dowliga, Dowlada Wangaaga iyo Ladagaalanka Musuqa. Hufnaan iyo Hogaan.

Saadiq Abdullahi Haji Hashi (Dhagaqool) Murashax Madaxwayne ku xegeen.

#Galmudug 2019 # DHAGAQOOL4GALMUDUG

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.