Sawiro:Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada oo ka furmay Baydhabo

Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

Shirkan oo looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin qiimeynta waxyaabaha ka qabsoomey kulamadii hore ee shirka iyada oo sidoo kale lagu dersi doono caqabadaha jira isla markaana lagu qorsheynayo qodobada mudnaanta iyo muhiimadda gaarka ah u leh dalka gaar ahaan dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale qorsheysan in lagu soo bandhigo qorshaha xili-kordhinta mudada waxqabadka Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta iyo Mashruuc ballaaran oo dhinaca tiknolojiyadda ah oo isku xiri doona qaar kamid ah wadamada geeska Afrika gaar ahaan dalalka Itoobiya, Eretereya, Jabuuti, Kenya iyo Dalkeena.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Xildhibaan Mohamednuur Sheekh Cadde, oo soo dhoweeyay ka-soo-qeybgalayaasha ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay in Iagu qabto shirkan oo ah kii 4aad ee ay isugu yimaadaan wasaaradahan magaalada Baydhabo isaga oo u rajeeyey guul qodobada iyo ajandayaasha horyaala shirka.

Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee Puntland iyo HirShabeelle oo hadallo kooban ka jeediyay furitaanka shirka ayaa waxa ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin ka soo qeyb-galka kulankan iyaga oo ka mahad celiyey wadashaqeynta dhow ee ay suurto geliyeen kulammada nuucan oo kale ah.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Md. C/laahi Bile Nuur, ayaa adkeeyey in Wasaaraddu ay muhiimad gaar ah siineyso talada iyo fikirka wasaaradaha dawlad-goboleedyada si loogu wada shaqeeyo qorshe laga wadatashaday.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si kooban uga hadlay waxyaabahii u qabsoomey Wasaaradda muddadan kooban iyo waxyaabaha laga filanayo gebo-gebada kulan, isaga oo xusey in ay ka go’antahay Wasaaaradda in ay wadatashi joogto ah iyo xiriir aad u dhow oo wadashaqeeneed la yeelato Wasaaradaha ku abbaaran ee dowlad goboleedyada dalka si loo helo qorshe loo wada dhanyahay, laga tashtay oo dalka gaarsiiyo horumar si guud u wada saaameeya.

Ugu dambeyntii Madaxweyanaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si rasmi ah u furay Shirka isaga oo kula dardaarmey ka soo qeyb galayaasha in ay maskaxda shiilaan kana wadashaqeeyaan sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha qaran ee la xiriira Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Dalka.

Shirkan oo mudo seddex Maalmood ah ka socon doona Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgalay ka faa’iideystayaasha Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta sida Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.