Axmed Madoobe oo Xaalka kuxun yahay iyo Waakiilkii IGAD oo Kismaayo ka dhoofay

Wakiilka gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Dr Maxamed Guyow ayaa intuusan ka dhoofin Kismaayo Saxaafada la hadlay maanta ayaa sheegay in maalmahan ay kismaayo u joogeen howlo la xiriira doorashooyinka Jubbaland iyagoo la shaqaynaya howlwadeenada caalamiga ah ee doonaya in howlaha doorashooyinka Jubbaland ay ku dhacaan qaab hufan oo xor ah kana madax Banaan Fowdo iyo Musuq Maasuq.

Wafdigu wuxuu inta uu joogay kismaayo uu kulamo la qaatay masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin Musharaxiinta Madaxweynaha ee is diiwaan galiyay iyo kuwa aan diiwaan gashanayn, Ugaasyada iyo Odayaasha Dhaqanka ee Rasmiga ah iyo Kuwa Been abuurka ah ee Axmed Madoobe samaystay , Ururada Bulshada, qaar kamida Xildhibaanada Federaalka ah ee laga soo doortay Jubbaland, gudoonka Baarlamaanka Jubbaland iyo Gudiga doorashooyinka ee Axmed Madoobe Samaystay.

Dr Maxamed Guyow wakiilka IGAD ayaa wuxuu sheegay inuu uu adkaynayo baahida loo qabo qabsoomida doorashooyin madax banaan oo qaab hufan ku dhaca oo loo siman yahay

Wafdiga ayaa goordhow ka dhoofay garoonk diyaaradaha Magaalada Kismaayo waxayna beesha caalamka iyo dowlada Federalka ah la wadaagi doona sida howlaha doorashooyinka Jubbaland ay u socdaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.