Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dawo Gaarsiiyay Isbitaalka Guud Ee Magaalada Dhuusamareeb

-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta dawo gaarsiiyay isbitaalla Galguduud ee magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Agaasimaha guud ee isbitaalka, Dr. Axmed Maxamed Mahdi, oo sheegay in ay baahi wayn u qabeen dawadaan ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahad celiyay sida dhaqsaha badan ee dalabkooda uga jawaabay, waxa uuna rajeeyay in wax badan ay ka tari doonto daweynta bukaannada lasoo gaarsiiyo Istibaalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo isbitaalka Dhuusamabeeb booqday July 03, 2019, ayaa u kuur galay xaaladda Isbitaalka, lana kulmay maamulka Isbitaalka oo xog wareysi kadib u gudbiyay baahi dawo oo ay qabeen, waxa uuna xilligaas u ballan qaaday in dowladdu ay wax ka qaban doonto baahiyaha ay qabaan.

Halbeegyada ugu waayweyn ee tubta horumatinta arrrimaha bulshada oo kamid ah tubaha qaranka, ayaa waxaa kamid ah in dowladdu ay bixiso adeegyo caafimaaad oo tayo sare leh, kuwaas oo qayb ka qaadayna caafimaad qabka bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.