Daawo:Ciidan lagu soo tababaray Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirka Gaashandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (ammar dambe), ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyay Cutubka ka tirsan Ciidanka xoogga Dalka oo tababar kusoo qaatay Dalka Turkiga

Wasiirka oo ay wehliyaan ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga ee Soomaaliya, ayaa Ciidanka ku bogaadiyay sida ay ugu Dhabar adeygeen tababarka ay soo qaateen.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Ciidamadan kaga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay tababarka u qaateen muddadii ay joogeen Dalka Turkiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.