Ceelwaaq:Shabaab oo weerar Madaafic ah ku qaaday Ciidamada Kenya

Wararka Naga soo gaaraya Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan Ciidamada Kenya ee kusugan Ceelwaaq inay soo gaareen qasaaro isugu jira Dhimasho iyo dhaawac kadib markii Kooxda Argagixisada Shabaab ay hoobiyaal ku weerareen.

Dhanka kale wararka waxay intaas ku darayaan inuu dhaawac soo gaaray qaar kamida Ciidamada Soomalida ee kusugan Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Ma ahan markii ugu horaysay ee Ciidamada kenya uu soo gaaro qasaaro kuwaas oo kaga imaanaya Alshabaab ku sugan Deeganada hoos yimaada Ceelwaaq dhawaan bay ahayd markii weerar kanoo kala ah ay ku qaadeen Ciidamada Kenya ee kusgan Ceelwaaq.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.