Daawo:Wasiir Mohamuud Abdikadir Hilaal oo la kulmay Jaaliyada Ohio

Wasiir ku-xigeenka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Maxamuud Abdikadir Hilaal ayaa kulan casha ahaa xalay la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Columbus Ohio .

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha Bulshada waxaa ka hadlay aqoonyahano Culumo iyo Waxgarad ,kuwaas oo Wasiir ku-xigeenka iyo Wasiirkaba ku ammaanay howsha ay bulshada u hayaan iyaga oo dhanka kale u dardaarmay Hufnaan iyo daacadnimo ku salaysan qayraadka dalka iyo in laga difaaco in u dayac la darso.

Wasiirka oo dalkan Mareykanka u yimid in uu kaga qeyb galo shirka Qurba joogta Soomaaliyeed oo looga hadlayay kobcinta iyo saro u qaadida dhaqaalaha Soomaaliya ayaa shirka ka dib u soo socdaalay gobolka Ohio isaga oo kulamo la qaadanayay qeybaha Bulshada gobolkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.