Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhuusamareeb Kula Kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle Iyo Madaxa Fulinta Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug kula kulmay madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi waare oo maanta safar ku yimid magaalada iyo madaxa fulinta dowlad gobaleedka Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Hirshabeelle iyo madaxa fulinta Galmudug ayaa looga hadlay nabadeynta iyo xasilinta colaadaha ka jira deegaannada ku xeeran degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.

Madaxweyne Maxamed Cabdi waare iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaallada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee arrimaha nabadeynta iyo dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug waxa ayna ballan qaadeen in dhankooda ay qayb xooggan ka qaadanayaan joojinta colaadaha iyo rabshadaha ka taagan Matabaan si xal waara loo gaaro, loona helo nabad waarta.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federalka Soomaaliya ayaa u ballan qaaday madaxweynaha Hirshabeelle iyo madaxa fulinta Galmudug in dowladdu ay labada dowlad gobaleed ku gacan siineyso dhamaynnta colaadda dhex martay dadka walalaha ah si loo xoojiyo wadajirka bulshada looga baaqsado dhiig dambe oo daata.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.