Daawo:Wasiir Goodax oo xarigga ka jaray Xarunta Cilmi Baarista iyo Keydinta Agabka Hidaha iyo dhaqanka

godax

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta xariga ka jaray qeyb ka mid ah Xarunta Akademiyada, Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo dayactir lagu sameynayo, isla markaana ay maalgelinayso Midowga Yurub.

Munaasabadda xarig jarka ayaa lagu soo bandhigay Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo runtii astaan u ah sharafka iyo Qiimaha Ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay soo nooleyta cayaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

“Waxaan maanta xariga ka jaray qeyb ka mid ah Xarunta Akademiyada, Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo dayactir lagu sameynayo, isla markaana ay maalgelinayso Midowga Yurub, waxaana goobtaasi lagu soo bandhigay Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo runtii astaan u ah sharafka iyo qiimaha Ummadda Soomaaliyeed, muhiimad gaar ah ayey inoo leedahay dayactirka xaruntan oo howla muhiim ah u haya bulshada Soomaaliyeed”. ayuu yiri Wasiir Goodax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.