Warar Dheeraad ah oo Laga helayo Dad Shacab ah oo laayeen Maleeshiyaad kasoo duulay Galinsoor iyo Koonfurta Gaalkacyo

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayaan Qasaaraha Jidgal shalay lagu sameeyay Dad Shacab ah oo saarnaa Gaari ka Baxay Baadiyaha Gaxandhaale ee DDSI waxaana ay u socdeen Degmada Saaxo iyo Goldob ee Gobolka Mudug.

Lix ruux oo isugu jira rag iyo dumar ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarkaasi, Waxaana ay kala ahaayeen dadka dhintay Wadahii gaariga iyo wiil yar oo 14 jir, Labo Macalin Dugsi, 2 Haween oo mid ay Xaamilo ahayd midna ay wadatay ilmo Labo sano jir ah oo ku dhaawacmay Rasaastii dishay Hooyadii.

Dhaawaca ayaa ku kooba Labo ruux oo midi uu yahay ilmaha yar,Dadka dhintay ayaa lagu aasay Deegaanka Gaxandhaale.

Sida wararka Nagu soo gaarayaan Maleeshiyaadka Dil gastay ayaa u cararay Dhanka Galinsoor iyo Koonfurta Gaalkacyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.