Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Guriceel

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Gurigeel ee gobalka Galguduud.

Mudane Xasan Cali Khayre oo kumannaan dadwayne ah iyo mas’uuliyiin dowladeed oo soo dhawayntiisa isugu soo baxay kula hadlay goob fagaara ah ayaa mahad celin kadib waxa uu uga warbixiyay qorshaha socdaalkiisa Galmudug iyo guulihii la gaaray intii uu waday wadatashiyada uu bulshada kala yeelanayay dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay, waxa uuna ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan qorshaha dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku baaqay in si shurruud la’aan loo joojiyo colaadaha dhiiggu ku daadanayo ee ka socda deegaannada hoos taga degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu marayay deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug waxa uu kulamo wadatashi la yeeshay bulshada qaybaheeda kala duwan, si uu uga dhagaysto talooyinka iyo tusaalaha dhismaha Galmudug dhamaystiran.

Mudane Khayre oo horay u tegay deegaano ay kamid yihiin Dhuusamareeb, Cadaado, Caabuudwaaq, Huurshe iyo Xeraale ayaa inta uu joogo Guriceel waxa uu si la mid ah deegaannadii uu soo maray kulamo la yeelanayaa qaybaha bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.