Madaxwayne kuxigeenka Jubbaland oo mudo Nairobi iska fadhiyey ayaa kismaayo kusoo noqday

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan magaalada Kismaayo ayaa maanta dig ugu soo laabtay kadib mudo bilo ah oo uu Nairobi ku maqnaa.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa markii kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa uu ka warbixiyay safar oo uu ku tegay degmooyin katirsan gobolka Gedo.

Wuxuu ka hadlay arrimaha doorashoyinka Jubbaland, wuxuuna sheegay in doorashadu ku dhacayso waqtigeeda loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo ammaanka guud ee Jubbaland.

Laamaha ammaanka Jubbaland ayuu ku ammaanay sida ay u gudanayaan waajibaadkooda xaqiijinta nabadgelyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.