Madaxwaynaha Soomaaliya oo xariga ka jaray wado loogu magacdaray Abwaan Timacadde

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xariga ka jaray waddo laami ah oo ku taalla Degmada Shangaani taasoo loogu magac daray halgamaagii Soomaaliyeed Abwaan Cabdullaahi Suldaan Tima-cadde iyo waddo kale oo ku taallo Liido ee Degmada Cabdicasiis.

Wadadaan loogu magacdaray Abwaan Suldaan Cabdullahai Tima Cadde ayaa waxaa dhisay Maamulka Gobolka banaadir iyadoo ay qayb ka qaadan doonta bilicda Caasimadda iyo nabad gelyada Gobalka.

Waxaa xaflada xarig jarka goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobalkan Banaadir Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisow iyo mas’uuliyiin kale,waxaana Madaxweyne farmaajo uu mid kamid ah wadooyinkaas ugu magic daray AUN Gabyaagii weynaa abwaan Cabdullaahi Suldaan Tima-cadde

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.