Daawo:Bulshada Ku Nool Xeraale Oo Hub, Gaadiid Dagaal Iyo Ciidan Ku Wareejiyay Dowladda Soomaaliya

Bulshada Xeraale ee gobalka Galguduud ayaa hub, gaadiid dagaal iyo ciidamo ay si gaar ah gacanta ugu hayeen ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo shalay socdaal shaqo ku tegay Xeraale.

Bulshada Xeraale ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u sheegay in ay hubka, gaadiidka iyo ciidanka u wareejinayaan si ay qayb uga qaataan nabadaynta iyo horumarka deegaanka, waxa ayna dowladda Soomaaliya ka codsadeen in ammaanka deegaanka ay iyadu la wareegto.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bulshada uga mahadceliyay go’aanka geesinnimada leh oo ku dayashada mudan qaybna ka qaadanaya qorshaha dib-u-heshiisiinta, nabad gelyada iyo is aaminaadda, ayaa sheegay in sugidda amniga Xeraale ay dowladdu damaanad qaadeyso.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa amar ku bixiyay in taliyaha ciidanka xoogga dalku uu si dhaqsa ah ku gaaro Xeraale uuna hubka iyo gaadiidka si rasmi ah ula wareego ciidankana u geeyo xeryaha tababarka si ay u qaataan tababar, looguna biiriyo ciidanka xoogga dalka ee ummadda Soomaaliyeed cadawga ka difaacaya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadda wareejinta hubka, gaadiidaka dagaalka iyo ciidanka ka sheegay in hub uusan gacan shacab ku jiri karin sidaa darteed cid walba oo hub gacanta ku haysa laga doonayo in ay ku wareejiso Dowladda

Hubka, gaadiidka dagaalka iyo ciidamada ay dowladdu kala wareegtay reer Xeeraale ayaa qayb ka ah barnaaminka dowladdu waddo ee dib-u-habaynta ciidanka qalabka si loogu diyaariyo in ay la wareegaan mas’uuliyadda amngia guud ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.