Ururka Midowga Yurub ayaa ballanqaaday in ay dib u billaabayaan bixinta Tobabarka iyo mushaarka Booliska Maamul Galbeedka Soomaaliyeed ee Koonfur galbeed.
War saxaafadeed ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ay ka go’antahay dib u bilaabaan Tobabarka iyo mushaarka Booliska Koofur Galbeed oo hakad ku jiray.
Sababaha mushaarka looga joojiyay Booliska Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay rabshadihii ka dhashay doorashadii maamulka Koofur Galbeed oo ay ku dhinteen dad shacabka oo uu ku jiro Xildhibaan ka mid ahaa baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed.

Leave a Reply