Top News:Rag ka tirsan Argagixisada Shabab oo lagu laayay Gobolka Baay

dagaal

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayuu jab xooggan kasoo gaaray weerar ay ku qaadeen Saldhigyo Ciidamada AMISON iyo kuwa dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Baay, kuwaasoo kala ah Bardaale, Qansax Dheere iyo Goof Guduud.

Weerarkan Naflacaariga ah oo argagixisada Alshabaab ku soo qaadeen deegaanadaas xalay saqdii dhexe ayaa waxey kala kulmeen qasaare xooggan, iyadoo horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan looga laayay weerarka oo ahaa mid ay ka feejignaayeen Ciidamada Daraawiishta Koofur Galbeed iyo Kuwa AMISON.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa isku dayo in ay weeraro gaadmo ah ku qaadaan Saldhigyada Ciidanka Amison iyo kuwa dowlada, iyagoo ku waayo horjoogeyaal iyo maleeshiyaad badan oo ay soo qaldeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.