Daawo:Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa daah furay biyo-xireen cusub oo laga hirgalisay duleedka Garoowe

karsh

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed CilmI Cismaan Karaash ayaa daah-furay biyo xireen weyn oo laga hirgeliyey deegaanka Sallaxley ee gobolka Nugaal, kaas oo qayb ka ah 10 biyo xireen oo laga sameeyey gobolada Puntland.

Munaasabadda daah-furka biyo xireenkan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, Ismaaciil Diiriye Gama’diid, Wasiir ku-xigeenka Maxamed Xasan Ciise, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Cabdicaciis Nuur Cilmi Koor, xildhibaano, Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi (Gujir), Nabadoono iyo masuuliyiin kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.