Uganda iyo Rwanda oo qarka usaaray inay is dagaalaan

Museveno

Uganda ayaa ku eedaysay askarta Rwandiiska ah in ay soo galeen dhulkooda ayna ku dileen laba qof.

Waddamadan oo ahaa kuwa xidhiidh dhaw lahaa, ayaa labadooda madaxweyne muddooyinkii u danbeeyey midba ka kale ku eedeynayey basaasid, shirqoolid siyaasadeed iyo faragelin midba hawlihiisa ah.

Marka loo eego eedeymahii ugu danbeeyey, askar Rwandiis ah ayaa Jimcihii dabagalay tuhamane si sharcidarro ah mootooyin ugu tahriibinayey, meel u jirta siddeetan mitir xuduudka dalka Uganda.

Ninkaas ayaa si sharci darro ah loo toogtay, kaddib markuu iska caabbiyey xadhiggii, sidoo kale dad Ugandiis ah ayay dileen xilligaas oo ay isku deyay inay soo dhex galaan.

Bishii Febraayo, Rwanda waxay bilawday inay xannibto baabuurta xammuulka ee laga leeyahay Uganda, ee Katuna, halkaas oo ah xuduudkooda halka ugu mashquulka badan.

Khilaafka u dhexeeya labadan dal ee dariska ah ayaa isa soo tarayey labadii sano ee ugu dambeeyey waxay se u muuqataa in khilaafku uu cirka isku sii shareeray kaddib markii Rwanda ay xiratay xadkeeda.

Xukuumadda Rwanda ayaa si rasmi ah u sheegtay in xuduuddu ay furantahay hase ahaatee waxaa laga hor istaagay dad badan oo iskudayey in ay ka gudbaan xudduuda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.