Daawo:Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Daah Furtay Mashruuc Shaqo Abuur ah.

warfaa

Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa magaalada Nairobi kula kulmay deeq-bixiyeyaasha,isagoo halkaas ku daahfuray mashruuca horumarinta shaqaalaha Soomaaliya. Kulanka waxaa wasiirka ku weheliyay wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka ee Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed,Jubbaland iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya.

Mashruuca horumarinta shaqaalaha Soomaaliya oo socon doona muddo saddex sanno ah ayaa ka taageerri doona dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada sameynta shuruucda muhiimka u ah shaqada iyo kor u qaadidda howl-wadeennada wasaaradaha. Wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo isboortiska Puntland, Jaamac Faarax Muuse ayaa sheegay mashruucan inuu sidoo kale diirrada saarayo shaqo abuur iyo mashaariic farsamadda gacanta ah oo bulshada Soomaaliyeed ay ku baranayaan xirfadaha gacanta. Daahir Faarax Fiidow , oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada ee dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa dhankiisa sheegay mashruucan inuu waxbadan u faa’iideyn doono shacabka Galmudug iyo guud ahaan waddanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.