Daawo:Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Afur u Sameeyay Golaha Abwaannada Soomaaliyeed

mahdi

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa caawa afur u sameeyay golaha abwaannadda Soomaaliyeed.

Kulanka afurka ah ee Ra’iisul wasaare ku-xigeenku u sameeyay abwaannada ayaa lagu lafa guray  kaalinta abwaannadu ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta, horumarinta bulshada iyo dhismaha dawladnimada.

Afurka uu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku u sameeyay golaha ayaa waxaa ka qayb galay wasiirrada maaliyada iyo warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha dastuurka.

Guddoomiyaha ku-xigeenka Golaha abwaannada Soomaaliyeed, Abwaan  Xirsi Maxamed Weheliye, ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga mahad celiyay afurka uu u sameeyay golaha, waxa uuna ka sheekeeyay dadaalka abwaannadu ay soo geliyeen dhismaha dawladnimada iyo dib-u-heshiisiinta.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisaka iyo wasiirka maaliyadda ayaa labaduba ka hadlay kulanka afurka ah uu Ra’iisul wasaare ku-xigeenku u sameeyay golaha abwaannada Soomaaliyeed, waxa ayna  ka sheekeeyeen kaalinta dowrka abwaannada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dhismaha dawladnimada iyo wacyi gelinta.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in abwaannadu ay kaalin muhiim uga jiraan bulshada, hal abuur, dhaqan suuban, suugaan iyo ruwaayado ay ku cabbiraan dareenka shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.