Wasiirka arrimaha oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo xasilinta deegaanada laga saaray maleeshiyada Al-shabaab

wasiir

Shirkaan oo labadii bilba mar la qabto si looga arinsado xaaladda dalka iyo mashaariicda xasilinta waxaa shir guddoomiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda FS Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, waxaana goob joog ka ahaa lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha, Wasiirada Arrimaha Gudaha dowlad goboleedyada iyo deeq bixiyayaasha taageera howlaha xasilinta.

Waxaa si gaar ah diiradda loogu saray shirkaan wax ka badalka qorshaha wadajirka ah ee xasilinta  deegaanada laga xureeyay Al-Shabaab gaar ahaan deeganadii ugu dambeeyay ee gacanta argagaxisada laga saaray,  sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshuiisiinta Mudane Cabdi Maxamed Sabriye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.