Siyaasiyiinta Caraysan ee Nairobi ku shiray ma xil doon baa mise waa Xoolo Doon?

Fiqi

Waxaa magaalada Nairobi shir ku yeeshay xildhibaanno tiro yar oo dalbanayeen in xukuumadda haatan la kala diro.

Waxay xildhibaannadaas iyo siyaasiyiintu ku eedeeyeen dowladda federaalka Soomaaliya inay diidday in mucaaradku ay shirar ku qabsadaan magaalada Muqdisho, sidaas daraaddeedna ay ugu qabteen Nairobi.

Xildhibaan Cabdifataax Ismaaciil Daahir, oo ka mid ah siyaasiyiinta ka qayb galay kulankaas ayaa BBC-da u sheegay in hoteellada Muqdisho laga xannibay in lagu qabto shirar siyaasadeed.

“Waxaa waajib ah in xaqa dastuuriga ah ee qofka la eego oo hoteellada loo fasaxo ganacsiyadooda, taas ayaa sabab u ah inaan Nairobi ku qabanno shirka, eeddeedana waxaa yeelaneysa xukuumadda,” ayuu yiri Cabdifitaax.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda federaalka Soomaaliya oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay in siyaasiyiintu ay la gudbooneyd inay iyagoo gudaha dalka jooga ay talooyin u soo jeediyaan dowladda.

“Dalkan dowlad ayuu leeyahay, ceddii wax qabsanayso waa inay codsi u soo qorataa wasaaradaha iyo hay`adaha ay quseyso, waayo ammaankooda ayaa lagu sugayaa. Iyaga ayaa doonaya inay dad isu keenaan oo wixii amni darro dhacana dowladda ku eedeeyaan, taasi suurto gal maaha.” Ayay tiri.

Siyaasiyiinta iyo xildhibanada tirada yar ee Nairobi ku shiray ayaa u eg kuwa ay adeegsanayaan cadowga Soomaliyeed maxaa u diiday inay ku shiraan dalka gudihiisa sida magaalada kismaayo ama dhuusamareeb iyo Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.